Madaxweynaha oo Hambalyo u Diray Cartan oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Sanadka Afrika 2025

0

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha, kadib markii garsooraha heer caalami ee Soomaaliyeed Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan lagu abaalmariyay billadda Garsooraha Sanadka Afrika 2025 ee ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika (CAF).

 

“Waxaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyeynayaa guusha uu soo hooyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku guuleystay billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen CAF,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in Garsoore Cumar Cartan uu astaan u yahay kartida, hal-adaygga iyo xirfadda mihnadeed ee heerka sare leh ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Garsoore Cumar wuxuu sare u qaaday magaca ummadda Soomaaliyeed iyo dhallinyarada, isaga oo matalaya dalka fagaarayaasha caalamka. Guushan taariikhiga ah waa astaan muujinaysa kartida iyo dadaalka dhallinyaradeenna,” ayuu raaciyay Madaxweynaha.

Abaalmarintan ayaa calaamad u ah horumarka Soomaaliya ku talaabsaneyso ciyaaraha caalamiga ah iyo magaca dalka oo la gaarsiiyo heer caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here