DAR ES SALAAM — Maxkamadda dalka Tanzania ayaa dib u joojisay magacaabistii xubnihii Soomaaliya u matali lahaa Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA), kadib markii lagu ogaaday in habka loo soo xulay xubnahan uu ku jiray musuq-maasuq iyo cadaalad-darro, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda.
Go’aankan ayaa ka dhashay dacwad ay gudbiyeen siyaasiyiin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dooday in doorashadii xubnaha EALA aysan u marin nidaamka sharci ee waafaqsan xeerarka Midowga Bariga Afrika. Maxkamaddu waxay caddeysay in hannaanka soo xulista uu lahaa khaladaad cad, faragelin siyaasadeed, iyo hufnaan la’aan baahsan.
Ambassador Maxamed Cawil, oo ka mid ahaa xubnihii dacwadda gudbiyay kuna sugnaa Tanzania, ayaa u sheegay Warbaahinta Shabelle in ay ku guuleysteen dacwaddooda, isla markaana maxkamaddu ay xaqiijisay musuqmaasuqii dhacay.
Sidoo kale, Cawil ayaa si kulul uga jawaabay hadallo uu jeediyay danjiraha Tanzania u fadhiya Soomaaliya, kaas oo isku dayay inuu beeniyo go’aanka maxkamadda, isagoo ku adkeystay in maxkamaddu si cad u shaacisay khaladaadkii dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ayaa hakisay dhaarinta iyo aqoonsiga xildhibaannada Soomaaliya ee loogu talagalay EALA, iyadoo la sugayo in dib loo eego hannaanka loo maray soo xulista xubnahan, si loo hubiyo in ay waafaqsan tahay shuruucda iyo nidaamka Midowga Bariga Afrika.




