BOORAMA — Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa saaka wajahaysa xaalad daganaansho aan cago badan ku taagneyn, kaddib muddo ka badan 48 saacadood oo ay ka socdeen dibadbaxyo rabshado watay oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo shacabka deegaanka.
Rabshadaha ayaa qarxay markii bulshada Awdal ay si adag uga horyimaadeen qorshaha lagu qabanayo xaflad lagu soo bandhigayo buug ka hadlaya Xeerka Beesha Ciise — arrin ay u arkeen mid kicinaysa xiisado horey u jiray oo ku saabsan tartanka dhaqanka iyo saamiga gobolka.
Dibadbaxyada oo gilgilay magaalada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, ka dib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay rasaas ku fureen dadkii bannaanbaxayey, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Boorama, isaga oo amray in ciidamada “degdeg uga baxaan” gudaha magaalada si loo dejiyo xiisadda, ayna suuragal noqoto in la qaboojiyo caro xooggan oo bulshada ka dhex taagan.
Xiisadda Boorama wali ma degin, iyadoo shacabka iyo odayaasha dhaqanka ay dalbanayaan baaritaan madax-bannaan iyo in dowladda ay joojiso tallaabooyinka ay u arkaan kuwo hurinaya colaad bulsho.



