SoDMA oo Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar ku saabsan Jinsiga

0

MUQDISHO — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah Muqdisho ugu soo xiray tababar shan maalmood socday oo lagu diyaarinayay macallimiin ku takhasusay Qorshaha Waxqabadka Jinsiga ee Qaab-dhismeedka Sendai Framework.

 

Tababarkan, oo diiradda lagu saaray xoojinta fahamka arrimaha jinsiga, sinnaanta iyo awood-siinta haweenka ee la xiriirta maareynta masiibooyinka, waxaa ka qayb galay wakiillo ka kala socday SoDMA, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo wasaaradaha masiibooyinka ee dowlad-goboleedyada dalka.

Intii uu tababarku socday, ka qeybgalayaasha waxaa loo gudbiyay casharro ku saabsan doorka jinsiga ee ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka, doorka bulshada ee hirgelinta Sendai Framework, iyo hababka casriga ah ee diyaargarowga iyadoo la tixgelinayo baahiyaha haweenka iyo dadka nugul.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in tababarkani muhiim u yahay dhismaha awoodda hay’adaha dalka, isla markaana uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo maareynta masiibooyinka iyadoo la eegayo sinnaanta iyo ka mid noqoshaha bulshada.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qaybgalayaasha guddoonsiiyay shahaadooyin, isagoo ku boorriyay inay aqoonta ay barteen gaarsiiyaan hay’adaha iyo bulshada ay matalaan si loo helo nidaam masiibo-maareyn oo hufan oo loo dhan yahay.

May be an image of one or more people, headscarf, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "SoDMA UN @UNED 港 WOMEN EF TRAINING OrO OF ON THE SEN GEND AINERS (TO FRAMEWOR N PLAN EL ONATICA DAA TIDA"May be an image of one or more people, people studying and text that says "SoDMA UN @UND 活ジ WOMEN ES TRAINING ON THE GE AINERS (TOT) AMEWORK PLAN"May be an image of one or more people, headscarf, dais and text that says "場 So OMA ၉န UN UNEBE 田 WOMEN 1"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here