Dooxa, Qatar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, xaaladda gobolka, iyo heshiisyada iskaashi ee horey loo wada galay, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga, iyo diblomaasiyadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Amiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumarineed ee hirgalay, dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah ee dalka u jihaysan.
Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in Doha ay door muuqda ka qaadanayso horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.
Kulankani waxa uu xoojinayaa iskaashiga labada dal iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda, horumarka, iyo dowladnimada Soomaaliya.



