Wasiirka Amniga oo Tababar u Soo Xiray Gabdho Ka Tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar ay qaateen gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammeystay tababar socday muddo 90 maalmood ah, lana baray xirfado amni oo khaas ah.

 

Wasiirka ayaa gabdhaha tababarka dhammeystay kula dardaarmay inay si daacad ah ugu adeegaan dalkooda iyo bulshadooda, isla markaana ay Qaranka uga faa’iideeyaan aqoonta iyo xirfadaha ay ku soo qaateen tababarka.

Gabdhaha waxaa tababarku ka tirsanaa galaaska lixaad ee Ciidanka Gaarka ah ee Galleyr.

Sidoo kale, Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee haweenku ka qaadanayaan sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha amniga dalka, isagoo ku booriyay in ay ka qayb qaataan horumarinta iyo xoojinta awooda ciidanka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here