Soomaaliya Maanta waxaa u furmay bog cusub waa inaad codkiina dhiibataan: Gudoomiyaha Gudiga Doorashada.

0

MUQDISHO – Gudoomiyaha Gudiga doorashadda Soomaaliya Cabdikariim Axmed, ayaa daah-furey doorashadda Gollaha deegaanka oo maanta ka billaabatay 16 degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Waa doorashadii ugu horeysay 57 sano kadib ka dhacaysa Caasimadda, oo qof iyo cod ah, iyadoo codkooda dhiibanayaan ku dhawaad hal milyan oo qof.

“Soomaaliya Maanta waxaa u furmay bog cusub, Maanta wa fursad qaali ah , waa inaad codkiina dhiibataan,” ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga Doorashada oo ka hadlayay degmada Wadajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here