MUQDISHO – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada golayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee berri ka dhaceysa caasimadda ay tahay mid taariikhi ah oo astaan u ah dib u soo kabashada dowladnimada dalka.
Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay xalay shacabka, ayaa sheegay in ilaa 20 urur siyaasadeed ay ku tartami doonaan doorashada, taasoo noqonaysa tii ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda muddo ka badan 57 sano.
Wuxuu ugu baaqay shacabka inaysan dhageysan hadalada Mucaaradka, ee ku saabsan doorashada dhacaysa, oo lagu soo dooran doono madaxda cusub ee gobolka Banaadir.



