IGAD oo si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga Israel ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya

0

ADDIS ABABA — Urur Goboleedka IGAD ayaa si cad uga soo horjeestay isku day kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, isagoo xusay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal madax-bannaan oo xubin ka ah IGAD, islamarkaana midnimadeeda, madaxbannaanideeda iyo dhulkiisa si buuxda loogu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.

 

Qoraal kasoo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in aqoonsi hal dhinac ah uu ka hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo heshiiska lagu aasaasay IGAD.

Ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan saaxiibbada caalamka iyo daneeyayaasha inay dhowraan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wada-hadallo iyo hanaan nabadeed oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, IGAD ayaa muujisay garab-istaaggeeda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya, iyadoo adkaysay taageerada hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo iskaashi goboleed oo horseeda nabad waarta, xasillooni iyo barwaaqo u wada siman Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka xubnaha ka ah IGAD.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here