Dowladda Jordan oo sheegtay in Israa’iil ay xadgudub ku samaysay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

0

AMMAAN — Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Jordan ayaa lagu sheegay in dowladda Jordan ay si adag uga soo horjeeddo ku dhawaaqista Israa’iil ee aqoonsi ku saabsan Maamulka Somaliland.

 

Jordan waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana xadgudub ku ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Jordan ay mar walba garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, ilaalinta midnimadooda dhuleed iyo dhowrista mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Dowladda Jordan ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka hortagaan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo carqaladeyn karta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here