Qaahira, 30 December 2025 – Masar ayaa si adag u xaqiijisay inaysan aqbali doonin faragelin kasta oo Israa’iil ku samayso madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabooyinka noocaas ah ku tilmaantay khatar weyn oo ku wajahan midnimada dhulka dalka.
Dowladda Masar ayaa bayaankan ka soo saartay kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay yeesheen, kaas oo ay dalbatay Soomaaliya, si looga hadlo wararka sheegaya faragelinta Israa’iil iyo saameynta ay ku leedahay madaxbannaanida iyo isku duubnida Soomaaliya.
Masar ayaa ku celisay taageerada aan shuruud laheyn ee ay u hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sidoo kale carabka ku adkaysay muhiimadda ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalka.
Intaas waxaa sii dheer, Qaahira ayaa ugu baaqday bulshada caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana la sameeyo dadaal wadajir ah si loo taageero xasiloonida dalka.
Dowladda Masar ayaa ku soo gebogebeysay bayaankeeda iyada oo ku adkaysay mowqifkeeda joogtada ah ee taageerada Soomaaliya, iyadoo mar kale tilmaantay in midnimada, madax-bannaanida, iyo isku duubnida Jamhuuriyadda Federaalka ay tahay in la ixtiraamo.




