Soomaaliya oo dalal iyo hay’ado caalami ah ku bogaadisay ka hortagga aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleedkeeda, kaddib markii Israa’iil ay sheegtay in ay aqoonsatay gobolka Somaliland.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in garab istaaga caalamiga ah uu muujinayo sida Soomaaliya loogu taageeray ilaalinta madax-bannaanideeda iyo midnimada dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee muujiyey taageero buuxda oo ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii inta badan dalalka iyo ururada caalamiga ah ay si cad uga hor yimaadeen go’aanka uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sanadkii 1991, balse weli lama aqoonsan caalami ahaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamtay xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo qaranimada dalka, taasoo sidoo kale dhalisay caro gudaha ah, iyadoo bannaanbaxyo ka dhacay magaalooyin badan oo lagu diidan yahay go’aanka.

Soomaaliya ayaa ku adkaysay in ay si buuxda uga soo horjeedo wax kasta oo halis gelinaya midnimada dhuleedkeeda, isla markaana Somaliland ay weli ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here