Booliska Gobollka Banaadir oo Gacanta kusoo dhigay seddex eedeysane

0

MUQDISHO – waxaa degmada kaaran ka dhacay Howgal ay sameeyeen ciidanka Booliska kaas oo lagu baadi goobaayey rag ku eedeysan in ay geesteen dilka dhacay degmadaasi

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Kaaran, ayaa gacanta ku dhigay saddex eedaysane oo loo haysto fal dil ah oo ay u adeegsadeen toorey, kaas oo ka dhacay gudaha Degmada Kaaran.Saddexda eedaysane ayaa xalay dil u geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Shaafi Guuleed Yuusuf.

 

Eedaysanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo .ayaaa lagu yiri qoraaal kasoo baxay taliska Booliska gobolka banaaadir.

mudooyinkii danbe ciidamada Booliska gobolka banaadir ayaa waday howlgalo ay kusoo qab qabanayaan eedeysana yaal ku eedeysan in ay geesteen falal isugu jira dilal iyo dhac ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana la horgeeyay Maxkamada ciidamada iyo Maxkamada gobolka banaadir ee madaniga ah oo lagu qaado kiisaska dilalka iyo dhaca ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here