Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka Oo Saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga

0

BAKU, AZERBAIJAN – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB), Dr. Muhammad Al Jasser, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework – CEF) 2026–2028, kaas oo hagaya iskaashiga maalgelineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota.

 

Qaab-dhismeedkan istaraatiijiga ah ayaa muujinaya sida Bangiga Horumarinta Islaamka uga go’an tahay taageeridda mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka kobaca dhaqaalaha dalka.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya laba tiir oo waaweyn oo muhiim u ah horumarka Soomaaliya. Tiirka koowaad wuxuu xoogga saarayaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.

Tiirka labaad ayaa lagu xoojinayaa horumarinta awoodda aadanaha, iyadoo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha, dib-u-tababarka iyo kor-u-qaadista aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskani uu sii xoojinayo iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo wax ka beddeli kara nolosha shacabka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here