Washington, DC — Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay xeerar cusub oo dhanka socdaalka ah, kuwaas oo laga yaabo in muwaadiniin ka kala yimid dalal Afrikaan ah, oo ay ku jirto Nigeria, looga baahdo inay bixiyaan lacag dammaanad (visa bond) oo gaareysa $15,000 marka ay codsanayaan fiisooyinka B1/B2 (ganacsi iyo dalxiis).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (US Department of State) ayaa sheegtay in lacagta dammaanaddu ay tahay hubin dhaqaale, loona adeegsanayo in lagu yareeyo khatarta dadka ku nagaada Mareykanka marka uu fiisahoodu dhaco. Wasaaraddu waxay si cad u sheegtay in bixinta lacagtaasi aysan macnaheedu ahayn in fiisaha la oggolaaday.
Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in lacag kasta oo la bixiyo iyada oo aan amar toos ah ka iman sarkaal qunsuliyadeed (consular officer) aan dib loo celin doonin.
Xeerarkan cusub ayaa lagu wadaa inay dhaqan galaan 21-ka Janaayo, 2026, taariikhdaas oo quseyn doonta Nigeria iyo inta badan dalalka ku jira liiska cusub.
Dalalka Afrika Ee Ku Jira Liiska
Dalalka Afrika ee ilaa hadda lagu daray nidaamkan cusub waxaa ka mid ah:
Algeria,Angola,Benin,Burundi,Cabo Verde,Côte d’Ivoire iyo dalka Djibouti
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dalalkan loo aqoonsaday kuwo leh halis sare oo la xiriirta ku xadgudubka shuruudaha fiisaha (visa overstays), taasoo sababtay in lagu soo rogo shuruudda lacagta dammaanadda.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku dooday in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo nidaamka socdaalka, iyada oo weli la oggolaanayo safarro sharci ah oo ujeedkoodu yahay ganacsi iyo dalxiis.


