HIIRAAN, Matabaan — Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan saraakiisha Qeybta 27-aad iyo Qeybta 21-aad, ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS oo loo diyaariyay hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Cutubyadan ayaa dhowaan dhammeystay tababar heer sare ah oo muddo socday, iyagoo soo bandhigay awood, ciidan iyo diyaar-garow buuxa oo ay u leeyihiin ka-qaybgalka hawlgallada lagu ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dhammaan gobollada dalka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidanka ku boorriyay inay xoojiyaan adkeysiga, feejignaanta iyo wada-shaqeynta, isla markaana ay ka go’naato difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Dhankooda, saraakiisha hoggaamineysay tababarka ayaa sheegay in ciidankani ay yihiin kuwo si buuxda ugu diyaarsan fulinta waajibaadkooda qaran, ayna door muhiim ah ka qaadan doonaan hawlgallada socda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waday guluf militari oo ballaaran, kaas oo lagu beegsanayo Khawaarijta, lagagana sifeynayo deegaanno iyo degmooyin kala duwan, si loo xaqiijiyo amniga guud iyo xasilloonida dalka.




