Jeddah – Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Jeddah, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo horumarradii u dambeeyay ee dalkaas ka socda.
Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, Mudane Xuseen Ibraahim Daaha, ayaa kulanka ka sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.
Xoghayaha Guud wuxuu si adag u adkeeyay in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin “khad cas” oo aan marnaba laga gudbi karin, isagoo xusay in Ururka Iskaashiga Islaamka uu si buuxda u taageersan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada OIC ayaa mar kale ku celiyay mowqifkooda mideysan ee ah taageerada dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee OIC ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado dhanka amniga iyo siyaasadda ah.





