Masar oo ballaarisay qorshaheeda militeri ee Soomaaliya

0

QAAHIRA – Dowladda Masar ayaa wax ka bedeshay istaraatiijiyadeeda milatari ee gudaha Soomaaliya, ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland bishii hore, taasoo Madaxweyne Al-Siisi ay u arko khatar weyn oo ku wajahan amniga qaranka dalkiisa iyo marin-biyoodka Badda Cas.

 

Masar ayaa ka cabsi qabta in saameynta Israa’iil ee Somaliland ay horseeddo isbahaysi cusub oo ay qeyb ka tahay Itoobiya la dhiso, si ay u maamulaan badda cas iyo gacanka cadan. Khubarada milatariga ayaa aaminsan in tallaabadan looga gol-leeyahay in lagu go’doomiyo Masar, laguna curyaamiyo Bab Al-Mandeb, kaas oo xiriiriya ganacsiga caalamiga ah ee u socda kanaalka Suways ee Masar ku yaalla.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga Israa’iil, ayadoo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida dalka. Waxay sidoo kale horey uga hortagtay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya fursad u siinayay inay saldhig ciidan iyo deked ka hesho badda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka amniga ah, ciidamada Masar ayaa dhawaan usoo diraysa Soomaaliya ilaa 10,000 oo askari. Ciidankan ayaa isugu jira kuwa la-talin bixiya iyo unugyo ka qayb qaadan doona sugidda amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo Masar ay qorsheynayso inay qayb ka noqoto howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa xaqiijiyay in Qaahira ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Masar waxay sheegtay inay gabi ahaanba diiddan tahay isku day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.

Si loo xoojiyo saameynteeda Gobolka Geeska Afrika, Masar ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Jabuuti iyo Eritrea si ay u casriyeyso dekedaha Doraleh iyo Assab. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo Masar ay ku doonayso inay cadaadis ku saarto Itoobiya oo ay isku hayaan biyaha webiga Niilka, iyadoo dhisaysa isbahaysiyo dhinacyo badan leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here