Safaarada Mareykanka oo beenisay warar la xiriira Amniga

0

Muqdisho – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in safaaraddu soo saartay digniin amni ku saabsan safarka la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaalada Laascaanood.

 

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aanay jirin digniin amni oo ay safaaraddu soo saartay oo la xiriirta safarka Madaxweynaha.

Safaaradda ayaa uga digtay shacabka iyo warbaahinta in ay ku kalsoonaadaan wararka aan rasmi ahayn, waxayna ku boorrisay in xogta la xiriirta arrimaha amniga iyo safarrada mas’uuliyiinta laga hubiyo ilo rasmi ah.

Warqadda la beeniyay ayaa shalay si weyn ugu faaftay baraha bulshada, taas oo dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan amniga safarka Madaxweynaha ee Laascaanood. Safaaradda Mareykanka ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka wararka been abuurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here