DOHA – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amniga ee u dhexeeya labada dal.
Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya tababarrada iyo tayeynta ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Saxiixa heshiiskan ayaa muujinaya adkeynta xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu hoosta ka xarriiqayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.





