Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali, ayaa Muqdisho ku guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee guddiga u xilsaaran qabanqaabada xuska sanadguurada 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Kulanka, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray jadwalka shaqo ee guddiga, muhiimadda maalmaha xorriyadda iyo midnimada qaranka, iyo sidii si heer sare ah loogu maamuusi lahaa munaasabadahaas gudaha dalka iyo dibaddiisaba.
Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha qabanqaabada iyo doorka ay hay’adaha kala duwan ee dowladda ku leeyihiin hirgelinta munaasabadaha xuska maalmaha qaran.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xubnaha guddiga ee Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya diyaarinta iyo isku dubbaridka munaasabadaha lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan qorsheyneysa in si ballaaran loo xuso maalmaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, kuwaas oo ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan taariikhda qaranka Soomaaliyeed.




