Wafdi ka Socda Waqooyi Bari iyo Galmudug oo Booqday Degmada Adhicadeeye

0

SOOL ,Laascaanood _ Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa galabta booqasho ku tegay degmada Aricadeeye ee gobolka Sool, halkaas oo ay kulan kula yeesheen bulshada deegaanka.

 

Madaxweynayaasha iyo wafdiga la socday ayaa shacabka degmada gaarsiiyey farriin ku saleysan midnimada dalka, iyagoo xusay in shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya ay yihiin lafdhabarka midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo shacabka Aricadeeye uga mahadceliyey halgankii ay u galeen difaaca midnimada dalka, kuna booriyey inay sii xoojiyaan wadajirka iyo isku-duubnida ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda, shacabka degmada Aricadeeye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa farriin walaaltinimo iyo midnimo u diray shacabka Waqooyi Galbeed, iyagoo ku booriyey inay la midoobaan walaalahooda Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxay mahadcelin u jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedka Galmudug iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ay sheegeen inay door muuqda ka qaateen taageeridda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here