Wasiirka Warfaafinta oo Kulan la Yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

0

Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka Dalxiiska Soomaaliya (Somalia Tourism Association – SOMTA), iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada kobcinta dalxiiska dalka.

 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay kaalinta muhiimka ah ee dalxiisku ka qaadan karo kor u qaadista sumcadda Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo isdhexgalka bulshada, iyadoo la isla qaatay in dalxiisku yahay fursad istiraatiiji ah oo lagu dardargelin karo horumarka waara.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xubnaha SOMTA u caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegga dalxiiska, isla markaana ay xukuumaddu qorshaynayso tallaabooyin la jaanqaadaya heerarka gobolka iyo caalamka si loo dhiirrigeliyo maalgashiga, badbaadada dalxiiska iyo suuq-geynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay SOMTA iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in dadaalladooda ay si isa soo taraysa u soo jiiteen warbaahinta caalamka, taas oo kor u qaadaysa aragtida guud ee Soomaaliya.

Dhankooda, masuuliyiinta Ururka SOMTA ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin kooban oo ku saabsan hawlaha ay hayaan iyo qorshayaasha mustaqbalka, iyagoo ku bogaadiyay Dowladda Federaalka garab-istaagga iyo taageerada ay siineyso kobaca dalxiiska Soomaaliya.

Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo horudhac ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeyn rasmi ah oo u dhexeysa dowladda iyo bahda dalxiiska, si loo dardar-geliyo fursadaha dalxiis ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here