Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Daah-furay Qorshaha Ka-Jawaabista Xaaladaha Bani’aadannimo ee HNRP 2026

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Ka-Jawaabista Xaaladaha Bani’aadannimo ee 2026 (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Gargaarka (OCHA) iyo bah-wadaagta gargaarka bani’aadannimo.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshahani yahay mid qaran oo muujinaya hoggaaminta Dowladda ee ka-jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan abaaro, colaado, barakac iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Jibriil ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u ansixisay qorshahan, isla markaana Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) loo xilsaaray hoggaaminta iyo isku-duwidda dhammaan hawlaha bani’aadannimo ee dalka, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan si hufan, caddaalad iyo isla-xisaabtan leh.

Dhankiisa kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay bah-wadaagta caalamiga ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada aan dowliga ahayn (NGO-yada) iyo deeq-bixiyeyaasha in ay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka qeyb qaataan taageerada degdegga ah ee lagu hirgelinayo Qorshaha HNRP 2026.

Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay in hirgelinta qorshahan ay muhiim u tahay wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee taagan, isla markaana ay gacan ka geysaneyso xoojinta adkeysiga bulshada iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.

May be an image of one or more people, people playing basketball and text

May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here