Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Arrintan ayaa timid kaddib kulan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, magaalada Muqdisho kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Dowladda Türkiye.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Xamsa uu muujiyay mahadnaq qoto dheer oo ku aaddan taageerada aan kala go’a lahayn ee Türkiye, isaga oo ku tilmaamay dal istiraatiiji ah oo door muhiim ah ka qaatay xoojinta amniga, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Wafdiga heerka sare ah ee ka socday Türkiye waxaa hoggaaminayay Cali Onaner, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Türkiye, waxaana la socday Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Cali Onaner ayaa mar kale xaqiijiyay ballanqaadka Türkiye ee ah in ay sii garab istaagto Soomaaliya, isla markaana ay sii xoojin doonto xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Booqashada wafdiga Türkiye ayaa imanaysa xilli ay jireen falcelinno xooggan oo ka dhashay tallaabadii Israel ay ku sheegtay aqoonsigaMaamulka Somaliland, oo ay Soomaaliya u aqoonsan tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda.
26-kii Diseembar, Israel ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taas oo noqotay waddankii ugu horreeyay ee tallaabadaas qaada, islamarkaana dhalisay cambaarayn ballaaran oo ka timid dalalka gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay in go’aankaasi yahay mid si cad uga hor imanaya madax-bannaanida, midnimada qaran iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si buuxda u diidday tallaabada Israel.




