Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Dekedda Muqdisho Ku Soo Dhaweeyay Wafdi Sare Oo Ka Socda Turkiga

0

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir, iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa maanta Dekedda Weyn ee Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Muqdisho.

 

Wafdigan, oo ay ka mid yihiin Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo sare, ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho, iyagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha dekedda iyo horumarka kaabayaasha adeegyada dekedda caasimadda.

Mas’uuliyiinta wafdiga Turkiga ayaa bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo Dekedda Muqdisho, iyagoo muujiyay muhiimadda ay dekeddu u leedahay dhaqaalaha dalka iyo ganacsiga gobolka.

Inta ay wafdigu ku sugan yihiin Muqdisho, waxaa la qorsheeyay in ay kulamo rasmi ah la yeeshaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta wax wada-qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekadaha iyo gaadiidka badda.

May be an image of ‎text that says "‎CGM পেটা rA עוומספעואם‎"‎May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here