Madaxa AUSSOM Oo la Kulmay Safiirka Qatar Ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Maanta magaalada Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Madaxa AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.

 

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga Midowga Afrika iyo Qatar ee ku aaddan hannaanka nabad iyo amni ee uu hoggaamiyo shacabka Soomaaliyeed.

Amb. Diene ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Qatar siiso howlgalada Midowga Afrika iyo doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarto garab istaagga Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale mar kale ku adkeystay ballan-qaadkooda ku aaddan horumarinta nabadda, xasiloonida, iyo horumarka waara ee Soomaaliya, iyagoo carrabka ku dhuftay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee sii taageeraya geeddi-socodka dalka.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, hospital and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here