Muqdisho – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir la-tashi oo u dhexeeya Guddiga Wadahadallada ee Dowladda Soomaaliya, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyo Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh), Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Cismaan Axmed Macow.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee dalka ka taagan, oo ay ka mid yihiin: difaaca midnimada dhuleed, ilaalinta madaxbannaanida iyo gobonnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, la-dagaalanka iyo ciribtirka Khawaarijta, dhamaystirka dastuurka, doorashooyinka, iyo xaaladda abaaraha ee dalka.
Shirka ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, bulshada rayidka, iyo culimada si loo gaaro go’aano waara oo ku aaddan xasilinta amniga, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo xoojinta garsoorka dalka.





