Muqdisho – Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonka labada aqal.
Kulankan ayaa waxaa hareeyey buuq xooggan oo ay sameeyeen xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo si cad uga soo horjeeda qorshaha wax-ka-beddelka dastuurka ee ay waddo dowladda.
Kooramka kulanka ayaa ku furmay 180 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 31 Senator oo ka socda Aqalka Sare. Intii uu socday kulanka, mudanayaasha labada aqal waxaa loo qeybiyey warbixinta soo-jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka ee la xiriira cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.
Sidoo kale, xildhibaannada waxaa la gaarsiiyey warbixin faahfaahsan oo sharxaysa soo-jeedimahaas, iyo soo-jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddel lagu sameynayo Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad ee Dastuurka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal in ay si qoto dheer u akhriyaan soo-jeedimaha iyo warbixinta la socota, si loogu diyaargaroobo doodda rasmiga ah ee wax-ka-beddelka dastuurka.







