Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, waxaana ay ka wada-hadleen xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga laba geesoodka ah.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo ku saleysan danaha guud ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal, isagoo caddeeyay in Shiinuhu uu sii xoojin doono taageerada uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah ee ay u fidisay Soomaaliya, gaar ahaan garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo bogaadiyay doorka muuqda ee Shiinaha ka qaato dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadannimo.

May be an image of textMay be an image of one or more people, newsroom and textMay be an image of the Oval Office, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here