Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka, kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga, mideynta hawlgallada, iyo dib-u-habaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka kala socday dowladda federaalka, hay’adaha amniga, iyo saaxiibbada caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiinWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh,Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Balcad,La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf,Sii-hayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada,Safiirrada saaxiibbada caalamka iyo wakiillada ururrada caalamiga ah ee dalka jooga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Golaha Difaaca Qaranka uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran.

Wuxuu xusay in golahan uu gacan ka geysan doono dhismaha nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, kana tarjumaya istaraatiijiyadda amniga qaranka, si loo xaqiijiyo amni waara iyo dowladnimo adkeysi leh.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodda Ciidanka Qaranka, isagoo tilmaamay in sugidda amniga mustaqbalka Soomaaliya ay ku xirnaan doonto ciidan xirfad leh, lehna awood hawlgal iyo mid dhaqaale.

Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qorsheysan ula wareegayso mas’uuliyadda buuxda ee sugidda amniga dalka, isaga oo xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada caalamka, si loo hirgeliyo Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amni.

May be an image of one or more people and text that says "FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF DEFENCE Inaugural Defence Board (DB) Meating Kul Kulsık ባኢት"May be an image of table, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here