Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 2km, taas oo laga hirgeliyey degmada Wadajir, gaar ahaan Buulo-Xuubey. Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabayaasha muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho.
Waddadan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu horey u dhagax-dhigay 4-tii Nofeembar 2025, waxaana lagu dhameystiray muddo 3 bilood gudahood, iyadoo loo dhisay si casri ah oo tayo sare leh, taas oo muujineysa isbeddelka dhanka dhismaha waddooyinka ee ka jira caasimadda, si loo helo kaabayaal waara oo u adeegaya shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in horumarka kaabayaasha dhaqaalaha ee Muqdisho uu yahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, fududeynta isku socodka, qurxinta bilicda magaalada, iyo xoojinta amniga. Wuxuu tilmaamay in waddadan ay door weyn ka qaadan doonto isbeddelka muuqaalka degmada Wadajir.
Wuxuu sidoo kale xusay in 10 sano ka hor aan la filayn in xaafaddan ay gaarto heerkan horumarineed, balse dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Xukuumadda DanQaran, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo shacabka uu suurageliyay in Muqdisho ay maanta ka mid noqoto caasimadaha sida xawliga ah u kobcaya ee caalamka. Wuxuu uga mahadceliyey maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanka in ay ilaashadaan amniga, bilicda, quruxda waddooyinka iyo hantida danta guud, isla markaana ka shaqeeyaan in magaca iyo sumcadda Muqdisho aan dib loogu celin dhibkii ay soo martay. Waxa uu sidoo kale kula dardaarmay in dhirayn iyo cagaarin lagu daro dhismaha waddooyinka si loo helo magaalo qurux badan.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed, kuwaas oo wax ka beddelaya nolosha shacabka isla markaana xoojinaya kaalinta Muqdisho ee caasimad casri ah.






