Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Kormeer Shaqo ku tagay Baydhabo

0

Baydhabo — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xarunta Gobolka Baay, halkaas oo ay ka billaabeen kormeer shaqo oo la xiriira dardargelinta iyo qiimeynta howlaha doorashooyinka dalka.

 

Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada guddigu ku doonayo in lagu hubiyo heerka diyaar garowga maamul goboleedyada, gaar ahaan dhanka qabashada doorashada qof iyo codka ah, taas oo ah tiir muhiim u ah hirgelinta hannaan doorasho oo toos ah, daah-furan, isla markaana ay si siman uga qayb qaataan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Inta ay ku sugan yihiin Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee Maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha maamulkaas, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa:

Wada shaqeynta guddiga doorashooyinka iyo maamulka,Xoojinta wacyigelinta dadweynaha,Diiwaangelinta codbixiyeyaasha,Iyo Sugidda amniga goobaha doorashooyinka
Sidoo kale, wafdiga guddiga ayaa la kulmi doona hay’adaha ammaanka, ururrada bulshada rayidka ah, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo dhageysto talooyinkooda loogana wada tashado caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo, si doorashooyinka mustaqbalka u noqdaan kuwo nabdoon oo kalsooni lagu qabo.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa la filayaa inuu Baydhabo ka jeediyo hadal ku saabsan ahmiyadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan xasillooni siyaasadeed iyo mid amni, si shacabka Koonfur Galbeed ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada qof iyo codka ah.

Kormeerkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada qaran ee lagu hirgelinayo nidaam doorasho oo ku dhisan matalaad toos ah, kaas oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla markaana sare loogu qaadayo doorka muwaadinka Soomaaliyeed ee go’aan ka gaarista hoggaankiisa.

May be an image of one or more people, aircraft and suitMay be an image of one or more people, helicopter and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here