Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan adeegyada caafimaadka, taageerada farsamo iyo tan agab ee Midowga Yurub uu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda, tayada iyo diyaar-garowga ciidamada.
Kulankan ayaa ku soo aaday munaasabadda wareejinta agab iyo gaadiid ciidan, iyo sidoo kale dhammaystirka mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dhexe ee War-Isgaarsiinta ee Villa Baydhabo iyo dhismaha Isbitaalka Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Buulo Burde.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), Sareeye Gaas Maxamed Bariise, Madaxa Hoggaanka War-Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda CXDS, Madaxa Hoggaanka Ciidanka CXDS, Madaxa Hoggaanka Qorsheynta iyo Istaraatiijiyadda CXDS, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS).
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub uu la garab taagan yahay Soomaaliya, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.








