Musharrax Madaxweyne Maxamed Xuseen Rooble oo Kulan la Qaatay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Musharrax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hoygiisa ku casuumay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo maalmahan si hagar la’aan ah oo mas’uuliyad ku dheehan tahay u waday hawlo muhiim ah.

 

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is-dhaafsi xogeed iyo muujinta mahadcelin rasmi ah oo ku aaddan dadaalka joogtada ah ee ay Guddiga Farsamadu u hayaan howlaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isla markaana ugu adeegayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Musharrax Madaxweyne Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dadaalka guddigu uu door weyn ka qaadanayo diyaarinta iyo miro-dhalinta Kulanka Wada-hadalka ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Dowladda, isagoo ku bogaadiyay hufnaanta, kartida iyo daacadnimada ay muujiyeen.

Dhankooda, xubnaha Guddiga Farsamada ayaa uga mahadceliyay Musharraxa Madaxweynaha casuumaadda iyo garab istaagga uu la garab taagan yahay howlaha Golaha, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan dadaallada lagu horumarinayo wadahadal miro-dhal ah oo dan u ah dalka.

May be an image of living room and indoors

May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here