Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland, kaas oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Guud, Danjire Patricia Danzi, kuwaas oo maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyo gargaarka bani’aadannimo, maadaama Soomaaliya ay wajahday abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Switzerland taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in doorka Switzerland uu muhiim u yahay dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada.
Dhanka kale, wafdiga Switzerland ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda, iyagoo xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed, si loo xoojiyo iskaashiga muhiimka u ah horumarka labada dal.





