Muqdisho – Doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.
Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo intaas kadib ay ansiyeen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka JFS.
Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo madax-bannaanida guddiga, isla markaana lagu xaqiijinayo ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqul insaanka dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo hufnaan iyo hogaamin mas’uuliyad ku dhisan.





