Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo Bogaadisay Doorashada Hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

0

MUQDISHO -Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay bogaadinaysaa doorashada guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, taas oo maanta ay ansixiyeen xubnaha guddiga. Guushan waxay ka dhalatay dadaal joogto ah oo ay Wasaaraddu ku bixisay dhammaystirka hay’adaha aas-aaska u ah ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Madaxda Wasaaradda, oo ay ugu horreyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo diirran u diray hoggaanka cusub ee ay maanta doorteen xubnaha guddiga. Hoggaankaas ayaa kala ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan Qasim Ahmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maxamed Harun Biixi, iyo Xoghayaha Guddiga Fadumo Abdikani Yusuf. Wasaaraddu waxay kalsooni buuxda ku qabtaa in hoggaankan cusub uu door muuqda ka qaadan doono dhowrista caddaaladda, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sarreynta sharciga dalka.

Iyadoo ka hadlaysa muhiimadda ay leedahay dhammaystirka hoggaanka guddigan, Wasiir Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa tiri:

“Waxaan ku faraxsannahay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah, maadaama la dhammaystiray tiirarkii muhiimka u ahaa dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kuwaas oo maanta si rasmi ah u bilaabaya gudashada waajibaadkooda.”

Dhammaystirka hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka wuxuu muujinayaa go’aanka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta caddaaladda, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso guddiga, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la xiriira dhowrista karaamada iyo xuquuqda qofka bini’aadamka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here