BAYDHABO – Dagaal shalay billowday, islamarkaana u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishow, ayaa ilaa maanta ka socda galbeedka magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay.
Dagaalka, oo si goos-goos ah u socday tan iyo shalay waaberigii, ayaa xooggiisu sii kordhay galinkii dambe, kadib markii gurmad xooggan ay heleen ciidamo daacad u ah sarkaalkan, oo la sheegay inuu ka tirsanaa Qeybta 60-aad, Guutada 8-aad ee CXD.
Taliyaha iska difaacaya, Taliye Cabdiraxmaan Nishow, oo ciidankiisa kula dagaalamaya gudaha magaalada Baydhabo, ayaa wareysi uu siiyay Shabelle TV ku sheegay in ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku soo qaadeen hoygiisa. Waxa uu yiri:
“Ciidamada Maamulka KGS ayaa gurigayga soo weeraray, xabaduna way igu socotaa.”
Goobaha uu dagaalku ka socdo ayaa lagu soo warramayaa xaafadaha Onadka iyo Cali Amxaar, ilaa waddada Sodonka. Xogo ay heshay Shabelle TV ayaa tilmaamaya in dagaalku salka ku hayo muran la xiriira arrimo dhul. Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu le’eg yahay khasaarahaasi.



