Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Xarunta Gurmadka Degdegga ah, Kana Digtay Halista Abaarta

0

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), halkaas oo uu uga kuurgalay xaaladda guud ee abaarta dalka iyo dadaallada gurmad ee socda.

 

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay mas’uuliyiinta Hay’adda, kuwaas oo soo bandhigay deegaannada sida daran u saameysay abaartu, heerarka barakaca, nabaad-guurka deegaanka, iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay. Waxay sidoo kale sheegeen in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isu beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha, isaga oo ugu baaqay mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah in ay u midoobaan gurmad degdeg ah oo loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa amray hay’adaha maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo dhammaan deeqaha iyo adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee shacabka tabaalaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here