Golaha Wasiirrada XFS oo Ka Hadlay Xaaladda Abaaraha Dalka, Soona Saaray Baaq Qaran

0

Muqdisho, Soomaaliya — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta kaga hadlay xaaladda adag ee abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, iyaga oo soo saaray baaq qaran oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

 

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu dhageystay warbixin faahfaahsan oo uu soo jeediyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan.

Warbixinta Wasiirka ayaa lagu iftiimiyay saameynta ba’an ee abaaruhu ku yeesheen nolosha shacabka, gaar ahaan dhinacyada cunnada, biyaha iyo barakaca, iyada oo la xusay in loo baahan yahay gargaar degdeg ah iyo iskaashi ballaaran.

Golaha Wasiirrada ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaruhu in uu ka dulqaado dhibaatada, isla markaana ay muujiyeen in Xukuumaddu ay ka go’an tahay dadaallada gurmad iyo la tacaalidda xaaladda bani’aadannimo.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay door muuqda ka qaataan taageeridda dadka tabaaleysan, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo sii baahata.

May be an image of textMay be an illustration of crossword puzzle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here