Adhicadeeye – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Eng. Maxamed Diiriye Faarax (Shariif), ayaa maanta si wadajir ah uga daahfuray Degmada Adhicadeeye wajiga koowaad ee gurmad loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha abaareed.
Gurmadkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero 7,000 oo qoys oo ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer, kuwaas oo wajahaya saameynta abaarta iyo baahiyaha bani’aadannimo ee ka dhashay.
Daah-furka gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu garab istaagayo bulshada nugul ee ay saameeyeen abaaruhu, iyadoo xoogga la saarayo gaarsiinta taageerada dadka u baahan iyo xoojinta isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo.





