Marka, Soomaaliya — Hoggaamiyeyaasha bulshada iyo mas’uuliyiinta deegaanka Ceeljaalle ee magaalada Marka, gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa maanta xarigga ka jaray Guriga “Mahadsanid Madaxweyne”, oo ay shacabka Soomaaliyeed ku maamuuseen Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Gurigan ayaa lagu hirgeliyey olole qaran oo ay maalgelinayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka, waxaana laga dhisay deegaanka taariikhiga ah ee Ceeljaalle, oo ka tirsan Degmada Marka. Deegaankan ayaa ka mid ahaa goobihii uu Madaxweynuhu ka hirgeliyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, isla markaana laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab intii uu xilka hayay.
Ololaha “Mahadsanid Madaxweyne” ayaa astaan u noqday baraarugga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aaddan ilaalinta daahfurnaanta, maamul-wanaagga, iyo ammaanada qaran, isaga oo muujinaya dhaxalkii dowladnimo ee uu dhidibbada u taagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo oo mahad ballaaran u jeediyay dhammaan muwaadiniintii ka qayb qaadatay ololahan ayaa yiri:
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed shibil iyo ciidanba ee ka qeyb qaatay ololahan waan uga mahadcelinayaa, anigoo adkaynaya farriinta aad muujiseen ee ah in dowladnimadu ay tahay hanti ay wada leeyihiin muwaadiniinteennu, ayna wax kasta oo qaali ah u hurayaan marka ay arkaan hoggaan u adeegaya danahooda, kana shaqaynaya dib u soo celinta qarannimada Soomaaliyeed.”
Dhagax-dhigga mashruuca Guriga Mahadsanid Madaxweyne ayaa la sameeyay 21 Luulyo 2023, waxaana dhismaha ku baxday $295,000 USD, halka wadarta guud ee dhaqaalaha ay soo ururiyeen shacabka Soomaaliyeed ay gaartay $300,000 USD.
Mashruucan ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya midnimada shacabka, wacyigooda siyaasadeed, iyo xusuusta doorka hoggaamineed ee uu Madaxweyne Farmaajo ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.






