Kenya oo Dib u Furtay Xuduudka Dhulka ee Soomaaliya si loo Fududeeyo Ganacsiga Qaadka

0

Nairobi —Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furtay xuduudda dhulka ee ay la wadaagto Soomaaliya si loo fududeeyo dhoofinta qaadka, ka dib sannado ay saarnaayeen xayiraado dhinaca socodka ah. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii ay dowladda ka codsadeen ganacsatada iyo beeraleyda dalkaasi, in xadka Soomaaliya u furto Qaadka Miirowga.

 

Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya, Guddiga Amniga Qaranka ayaa ansixiyay in dib loo billaabo ganacsiga qaadka ee dhinaca dhulka, iyadoo loo marayo baraha xuduudka ee Mandera, Libooya, iyo Kiyunga. Tallaabadan ayaa si gaar ah loogu oggolaaday gaadiidka xamuulka ah ee qaadka u daabulaya gudaha Soomaaliya, taas oo meesha ka saaraysa caqabadihii dhinaca safarka ee markii hore jiray.

Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay beeraleyda iyo ganacsatada gobollada qaadka laga soo saaro, iyagoo xusay inay gacan ka geysan doonto soo celinta noloshii kumanaanka qof ee uu saameeyay xirnaanshaha xuduudda. Xuduudda u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la xiray sannadkii 2011-kii sababo la xiriira khatarta Al-Shabaab, inkasta oo tan iyo May 2023 ay socdeen dadaallo tartiib-tartiib ah oo dib loogu furayay.

Kenya ayaa Soomaaliya u dhoofisa qiyaastii 13 ilaa 17 tan oo qaad ah maalin kasta, taas oo dalkaas u soo xero-gelisa lacag gaaraysa 1.85 milyan oo doolarka Maraykanka ah afartii casho kasta, iyadoo ganacsigan ay ku tiirsan yihiin in ka badan 1.4 milyan oo qof. Si kastaba ha ahaatee, dib u furista xuduudda ayaa timid xilli uu jiro tartan xooggan oo kaga imaanaya qaadka dalka Itoobiya, kaas oo markii hore suuqa Soomaaliya ku qabsaday qiimo jaban iyo gaarsiin degdeg ah.

In kasta oo ay jireen heshiisyo hore oo ay gaareen wasiirrada arrimaha gudaha ee labada dal, haddana dib u furista rasmiga ah ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday sababo la xiriira walaacyo xaga ammaanka ah. Go’aankan ugu dambeeyay ayaa loo arkaa mid kor u qaadaya xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo la filayo inuu isbeddel weyn ku keeno suuqyada qaadka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here