Muqdisho — Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo la xiriira ka joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka.
Go’aankan ayaa yimid kaddib qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo qabsoomay 2-dii Febraayo, 2026, waxaana lagu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay ilaalinta nidaamka, xasiloonida iyo habsami u socodka shaqada Baarlamaanka.
Sida lagu caddeeyay go’aanka, ka-joojinta fadhiyadan ayaa si ku-meel-gaar ah u dhaqan geli doonta, ilaa laga gaarayo xal rasmi ah oo ku saabsan arrimaha sababay qalalaasaha, lana xaqiijiyo in kulamada Baarlamaanka ay ku socdaan si waafaqsan xeerhoosaadka iyo anshaxa shaqo.
Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka go’an yahay ilaalinta sharciga, kala dambeynta, iyo mas’uuliyadda dastuuriga ah, isla markaana tallaabooyin ku habboon laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta nidaamka Golaha.






