Muqdisho — Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan laga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi.
Go’aankan ayaa lagu sababeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo lagu eedeeyay in Sanatarku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kaas oo dhacay 2-dii Febraayo, 2026.
Sida lagu sheegay go’aanka maamul, tallaabadan ayaa loo qaaday si loo ilaaliyo habsami u socodka shaqada Golaha, loona dhowro xeerarka iyo anshaxa shaqo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ayaa carrabka ku adkeeyay in xubnaha Golaha laga doonayo ixtiraamka nidaamka, xeerhoosaadka, iyo kala dambeynta kulamada rasmiga ah, isla markaana tallaabooyin la qaadi doono marka uu dhaco xadgudub noocaas ah.
Go’aankan ayaa dhaqan gelaya si degdeg ah, waxaana la filayaa inuu saameyn ku yeesho ka-qeybgalka Sanatarka ee kulamada wadajirka ah inta muddada ganaaxu socdo.







