NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Jubbada Dhexe – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal si guul leh u dhacay ka fuliyay meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo magaciisa afgarashada ahaa Abuu Usaama.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adaha amniga ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay 8-dii bishan, isla markaana lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee ururka Al-Shabaab, kaas oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow horjooge Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Ilo amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Abuu Usaama loo diyaarinayay inuu beddelo horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab, Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay NISA iyo saaxiibada caalamka ku dileen howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogahan la dilay ayaa mas’uul ka ahaa qaadista waxa ay kooxda ugu yeerto Sakawaat, isagoo xilliga la beegsaday si toos ah ugu howlanaa uruurinta lacago laga qaado dad shacab ah, taas oo qeyb ka ahayd maalgelinta falalka argagixiso ee Al-Shabaab.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo hoggaanka, maalgelinta, iyo awoodda howlgal ee Al-Shabaab, iyagoo xusay in howlgalladu ay sii socon doonaan.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here