Qatar Charity oo bilowday bixinta deeqo raashiin ah oo lagu taageerayo qoysaska Soomaaliyeed xilliga Ramadaan

0

Muqdisho – Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay bixinta deeqo raashiin ah oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo sidoo kale wakiillo ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Guddoomiyaha Qatar Charity ayaa ka hadlay munaasabadda, isaga oo faahfaahin ka bixiyay deeqaha raashiin ee maanta la gaarsiiyay xarunta lagu xanaaneeyo carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed, isla markaana tilmaamay in deeqo dheeraad ah lagu gaarsiin doono qoysas badan oo u baahan gargaar.

Dhankooda, mas’uuliyiintii ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo SoDMA ayaa uga mahadceliyay Qatar Charity taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag iyo bisha barakeysan ee Ramadaan.

May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎بسر س_تنوي خيرك يوص 1447(ldos SObNA S타 مشروع إف للعام پسیدند_نود_ندر الجهة قطر الخيرية مد AaиHR مكان الل مقديشو JI- فبراير 26/ PECIAL)‎"‎‎May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here