Xukuumadda Soomaaliya iyo WFP Oo kulan Xoojiyeen Iskaashi Ku Saabsan La-qabsiga Cimilada yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Deegaanka ayaa lagu xoojiyey iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo WFP, iyadoo xoogga la saarayo arrimo ay ka mid yihiin la-qabsiga isbeddelka cimilada, sugnaanta cuntada, barakaca gudaha, iyo saameynta ka dhalata masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Intii uu socday wadahadalkan, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sida loo dardargelin karo dadaallada lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen isbeddelada cimilada iyo xaaladaha amni-darro ee ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Wasiirka MoECC, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in iskaashiga lala yeesho hay’adaha caalamiga ah uu door muhiim ah ka qaadan doono dhisidda adkeysiga bulshooyinka Soomaaliyeed, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta saameynta abaarta iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Dhanka kale, Mudane Hameed Nuru, Wakiilka iyo Agaasimaha Guud ee WFP Soomaaliya, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan la-tacaalida cimilada iyo taageerada la siinayo dadka baahan. Waxa uu carabka ku adkeeyey in iskaashiga u dhexeeya WFP iyo Wasaaradda Deegaanka uu horseedi doono qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo ka hortagga barakaca.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isla qaateen in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah iyo fulinta barnaamijyo wadajir ah oo diiradda lagu saarayo badbaadinta nolosha, ilaalinta deegaanka, iyo dhisidda bulshooyin adkaysi u leh cimilada isbedelaysa.May be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here