Riyadh / Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.
Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha, wuxuuna xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.
Iskaashiga cusub ayaa si gaar ah diiradda u saaraya Horumarinta kaabeyaasha dekadaha,Tayeynta adeegyada gaadiidka badda,Dhiirrigelinta maalgashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa muujiyay in heshiiskani uu door weyn ka qaadan doono kor u qaadidda hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha Soomaaliya, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka.
Sidoo kale, heshiiska ayaa la filayaa inuu si toos ah uga qayb qaato kobaca dhaqaalaha qaranka iyo abuuridda fursado horumarineed oo waara, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.






